Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay Warbixin ka kooban Dhowr iyo Labaatan qodob.

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ka kooban DHoor iyo Labaatan Qodob , taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab iyo sugidda amniga dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgelaya Shirweynaha 6aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Degaanka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Britain James Stephen Heappey.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya Cyprian Kubai Iringo.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray Madasha Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya.

7- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Dowladda Turkiga Ibrahim M. Yagli oo xiligiisii uu dhammaadey.

10- Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa waddamaxa xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka ka codsadey inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

12- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda Qatar, Mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ee labada dal.

13- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in hawlaha maareynta hawada Soomaaliya ay si buuxda bedqab ugu shaqeynayaan, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan.

14- Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka qeybgaley shir ay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ku soo bandhigtay warbixin ka xiriirta saameyntii ka dhalay roobabka iyo fatahaadihii Elnno ee degaanada HirShabeelle.

15- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

16- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay xaaskiisa oo u dhimatay dhaawacii soo gaaray.

17- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya taas oo soo socotay tan iyo bishii November 2023.

18- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya.

19- Magaalada Muqdisho oo lagu daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta oo muhiim u ah keydinta xogta gaarka ah ee shacabka.

20- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Sulub Ahmed Firin ayaa Mudane Qaasim Axmed Rooble u magacaabey inuu noqdo Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska.

21- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Dr. Mamoon Al Alawi oo ah Xoghayaha Guddiga la Dagaalanka Ayaxa ee Mandiqadda Dhexe ee Hay’adda FAO.

22- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabada sanad-guurada 54aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

23- Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka degmada Xarardheere ayaa dilay 10 xubnood ka tirsan AS kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Baraag- Cali Gaduud.

24- Ciidammada Xoogga Dalka saaxiibada caalamka ayaa dilay 30 xubnood oo ka tirsan AS, kadib hawlgal ka dhacay degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madaxa USAID Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

26- Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeybgalaya dhoolatus milateri oo calami ah oo ka socda Kenya.

27- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa magaalada London kulan kulan kula qaatey saraakiil tirsan Dowladda Britain.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Maxamuud Macalin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka magaalada Jowhar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA