Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladaha Itoobiya iyo Pakistan oo ka wada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashiga badda

Khamiis, 29 Feb, 2024 {HMC} Jemal Beker Abdula, oo ah Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Pakistan, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda ee dalka Pakistan Admiral Naveed Ashraf Talaadadii.

Kulankan ayaa labada dhinac waxay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira iskaashiga dhinaca badda iyo amniga gobolka.

 

Safiirku waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay dhawaan Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah oo uu sheegay inuu gabi ahaanba waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah.

 

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku dadaalayso sidii ay iskugu xidhi lahayd gobolka oo dhan iyada oo u maraysa dhinaca badda, si loo helo horumar loo siman yahay gobolka oo dhan ah.

Danjire Jemal Beker Abdula waxa uu taliyaha ciidamada badda Pakistan uga warbixiyay doorka Itoobiya ay ka qaadanayso horumarinta Afrika, si loo kobciyo walaaltinimada, iyo wax wada qabsiga shucuubta Afrika.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ayaa waayahaan xoogga saaraysa in ay taageere u raadiso heshiiska dhinaca badda oo ay la gashay maamulka Somaliland, ka dib markii ay cadaadis kala kulantay dalal badan oo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska.

 

Inkastoo ay cadaadis la kulantay, Ethiopia waxay sheegtay in aysan dib uga laaban doonin heshiiska ayna ka go’an tahay inay dhaqan galiso.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA