Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shuruud ku xirtay Wadahadal ay la gasho AS.

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha argagixisada ah ee dalka ka dagaalama, hadii nabad lagu helayo, wuxuuna shuruud ka dhigay inay joojiyaan dilalka iyo qaraxyada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.

“Hadii aan nabad ku heleyno oo dadkeena dilka iyo qaraxyada laga joojinayo, waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay nabadda, waxaan mar kale ugu yeereynaa wiilasha la qalday iyo odayaasha Khawaarijta ee caqiidadu ka xumaatay, inay jidka saxda ah ku soo toosaan, waxaan balan-qaadeynaa in dagaal shakhsi ah aanaan kula jirin ee taargadkeenu uu yahay caqiidada qaldan ee Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta Muqdisho ka daahfuray shirka Mabaadii’ida Nabadda Soomaaliya ayaa cadeeyey in dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed kula jirto kooxaha Khawaarijta ah uu yahay nabad raadin.

“Dagaalka aan kula jirno Khawaarijta asalkiisu waa nabad raadin, anagu waxaan nahay nabadoono, qof in la dilo hadal nooma aha, nabadda ayaan ku haminaa, ragga hadda duurka ku jira, hadii ay ka soo laabtaan fikirkaas qaldan waa walaalaheen, waana soo dhawey doonaa,” ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Barre wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharaftay kuwii horay uga soo haray fikirrada guracan ee argagixisada, isla markaana uu hadda balan-qaadayo in wax faquuq ah aysan kala kulmi doonin dadkooda hadii ay ka soo haraan kooxaha argagixisada ah.

“Qof kasta oo ka soo hara fikirkaas waxaa u sharfi doonaa sida kuwii hore oo hadda nolol fiican iyo maqaam sare ku dhex-jooga dadkooda oo mid mid aan u tilmaami karo, dowladda waxaa ka go’an in hadii qofka Soomaaliya ah uu ka baxo afkaarta xun ay soo dhaweyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Inta badan madaxda dowladda Soomaaliya kuma dhiiradaan inay cadeeyaan ‘hadii ay ogolyihiin wadahadal lala galo Al-Shabaab iyo Daacish’ si loo soo afjaro dagaallada daba-dheeraaday ee ka socda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA