Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa golaha Senate-ka Maraykanka oo shaqada ka fadhiisanaya

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – WASHINGTON — Mitch McConnell oo ka mida siyaasiyiinta ugu muddada dheer, uguna awoodda badan Maraykanka, Arbacadii sheegay inuu bannaynayo jagada hoggaamiyaha mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee golaha Senateka Maraykanka, marka la gaadho bisha November ee foodda innagu soo haysa, xilligaas oo ay dhacayso doorashada Maraykanku.

Mitch McConnell, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ah, hoggaamiyaha ugu muddada dheer taariikhda Maraykanka, ee golaha Senate-ka, isaga oo golahaas ku soo jiray muddo 17 xilli ah, isaga oo markasta ahaa hoggaamiyaha mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee golaha Senate-ka, marka ay iyagu aqlabiyadda leeyihiin iyo marka hoggaanka golaha laga haysto.

Wuxuu u sheegya saaxiibadiis in haatan la joogo xilligii uu kursiga bannayn lahaa. Mitch McConnell ayaa toddobaadkii hore noqday 82 jir, wuxuuna sheegay inuu gabaabsi marayo xilligii uu wax badan ku soo kordhin lahaa xafiiska uu joogo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA