Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo magacaabay Golo Wasiiro Cusub

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xafiiska Deni shaaciyey magacyada wasiirrada loo kala magacaabay 21 wasaaradood.

Dikreetada lagu magacaabay wasiirrada cusub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Wasiirka koowaad waxaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Wasaaradda amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa.

Maxamed Faarax Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Puntland, halka Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay wasaaradda qorsheynta.

Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Puntland, halka Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay wasiirka caafimaadka.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland waxaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac, halka wasiirka dekedaha loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

Cabdullahi Bile Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka duulista hawada, sidoo kale Maryan Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka haweenka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland waxaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha waxaa loo magacaabay Axmed Shire Saciid.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada, halka Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha Puntland.

Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Liibaan Muuse Cismaan ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha, halka Ubax Cabdirashiid Maxamed loo magacaabay wasiirka gargaarka Puntland.

Maxamed Cabdulqaadir Saalax ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha Puntland, halka Hodan Saciid Xasan loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA