Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay kacabanayaan ehellada Sayid cali macallin Daa”uud?

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} –  Ehellada eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd ayaa maanta iyaga oo cabasho ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanayo sida ay wax u socdaan.

Ehellada ayaa sheegay inay si gaar ah uga cabanayaan qaabka ay Maxkamadda gobolka Banaadir u wajahday kiiskan, waxayna sheegeen in loo diiday ka qayb-galka dacwadda, sidoo kalena aysan ku qanacsaneyn marqaatiyeyaasha la horgeeyay Maxkamadda.

Waxaan hadda dareenay in naloo keenay dad aan cadil u ahayn marqaatiga oo ah ilmo sibyaan ah oo Luul dhaxal ku leh oo ay dhashay iyo dad aan is leenahay uma qalmaan marqaatigaas” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Maxamuud oo kamid ah ehellada eedeysanaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay horay heshiis ula galeen ehellada marxuumadda, ayna kala qaateen xaal iyo xumeyn, kadibna ay ku ballameen in la aaso maydka gabadha, balse looga baxay ballantaas, sida uu mar kale ku dooday Nabadoon Cabdi Maxamuud

“Gabadheena naga dhimatay ee Luul Cabdicasiis waxaan sheegeynaa in ehellada ay ka dhalatay aan isku nimid, aan wada-hadalnay, inaan xaal iyo xumeyn kala qaadanay, inaan haddane mar kale iskuugu nimid duugteydii inaan niri gabadhaas annaga ayay naga dhimatay, waana nagu dhimatay in xoogaa nalagu xumeeyay” ayuu yiri Nabadoon Cabdi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ka bacdi waxaan ku ballan qaadnay inaan wiilkaas cadaaladda usoo gacan galeyno, sidaas aawgeed wiilkii waa keenay”.

Dhankiisa Macalin Nuur Axmed Salaad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in gabadha ay ka wada dhimatay, balse kiiska la fogeeyay, isla markaana la siyaasadeeyay.

“Luul mana dilin mana gubin Anagay naga dhimatay” ayuu isna yiri Macalin Nuur Axmed Salaad oo ka hadlay shirka jaraa’id.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA