Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey ka Wada Hadleen MD Xasan Shiikh iyo Madaxweeynaha Dalka Jabuuti?

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC}  Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulankooda uga wada hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horeyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasiloonida gobolka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galka shirka meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee isbeddelka Cimilada oo looga arrinsanayo dhibaatada dalalka Caalamka kasoo wajahday dhanka Cimilada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya inuu khudbad ka jeedinayo shirkan caalamiga ah, islamarkaana uu kusoo bandhigo saameynta xoogan ee ka soo gaartay Soomaaliya dhanka isbadelka Cimilada iyo sidoo kale abaaraha iyo fataahadaha kusoo noqnoqday gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweyne Xasan Sheekh inuu kulamo gaar gaar ah uu la qaato mudada uu ku sugan yahay Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkaan looga arrinsanaayo isbadalka Cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA