Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Rejada Soomaaliya ee kursiga madaxa Midowga Afrika?

     Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jiro jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixisay rejadeeda ku aadan kursigaasi.

Fawsiya ayaa shaaca ka qaaday inay qabto kalsooni wayn oo ku aadan inay kusoo baxdo jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayna ku bixin doono dadaal kasta.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay haysato taageerada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taasina ay kor usii qaadeyso rejadeeda ku aadan helitaanka kursigaasi.

“Anigu kalsooni buuxdo ayaan qabaa, waan haayaa qoraalladii ay dowladdu igu taageertay madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha marka kalsooni badan baa qabaa” ayay tiri Fawsiya.

Waxaa kale oo ay farriin culus u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ka dalbatay inay ku garab istaagaan ololaha ay ku dooneyso inay ku hoggaamiso Ururka Midowga Afrika.

“Wax weliba waxa ay ku xiran tahay sida ay Soomaalidu isku garab istaagto, si ay meel u gaadho” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Xildhibaanada oo sii hadleysay ayaa shaaca ka qaaday in loolan adag ay la geli doonto Kenya oo iyadana soo sharraxday siyaasiga mudada mucaaradka ah ee Raila Odinga.

“Hadda Kenya ayaa jirto cid kale oo soo cadeysatay ma jirto 14 dal weeye bariga Afrikaana xaq u leh waa wareegto haddii aanan dal kale waxaa tartamaya Somalia iyo Kenya ” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan.

Soomaaliya ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan ee Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA