Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday lix Ruux oo ajaaniib ah

Khamiis, 29 Feb, 29, 2024  {HMC} Maxkamadda dadajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Marooko, kuwaas oo ay Maxkamaddu sheegtay iney ka mid ahayeen kooxda Daacish.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ragaan ay dalkoodii ugu yimaadeen iney dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana Maxkamadu ay tilmaamtay in ragaan laga soo qabtay goobaha ay Daacishtu ka dagaalanto, gaar ahaan buuraha Cal miskaat.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada Puntland Korneyl Cali Ibraahim Cusaman ayaa sheegay in ragaan dhalashadoodu tahay Marooko ee xukunka toogashada ah lagu riday iney qirteen ka mid ahaanshaha Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay iney Maxkamadda xukuno xabsi oo sanooyin ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin kale oo u dhashey dalka Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Puntland xukuno dil toogasho ah ku rido ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ah ee Cal miskaat iyo Galgala ee Puntland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA