Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu yahay dhulka garoonka Aadan Cadde laga siiyay safaaradda Shiinaha?

Khamiis, 29 Feb, 29, 2024  {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa dhul dheeraad ah siisay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, si ay safaarad cusub oo waaxyo kala duwan ka kooban, adeegyo bandanna bixisa halkaasi uga dhisato, sida lagu sheegay shir jaraa’id oo ay qabatay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka Soomaaliya, ayna qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Shiinaha, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista rRayidka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa dhulkan ku wareejisay sii hayaha xilka safaaradda Shiinaha, Chen Wendi.

Wasiirad Fardowsa ayaa sheegtay in dhulkan la siiyay safaaradda iyadoo la eegayo xiriirka taariikheed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo iyadoo la bogaadinayo taageerada horumar iyo bani’aadannimo ee Shiinuhu u fidiyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale hay’adaha deggan dhulkaas ugu baaqday inay si degdeg ah u banneeyaan, si loo bilaabo dhismaha safaaradda.

Waxay intaa raacisay in safaaradda cusub ay horumarin doonto adeegyada safaaradda ee bulshada, sida bixinta dal ku galka iyo fududeynta ganacsiga.

Dhanka kale, Chen Wendi, sii hayaha safaaradda Shiinaha ayaa ka warbixiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dhulkan lagu wareejiyay. Wuxuu sheegay in dhulka cusub uu safaaradda ka caawin doono ballaarinta howlaha iyo u adeegidda danaha labada dal.

 

Maareeyaha haya’dda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan ayaa BBC-d u sheegay in dhulkan cusun ee safaaradda loo qoondeeyay uu yahay dhul hore ay u degganeyd Qaramada Midoobay, isla markaana uusan ahayn mid cusub oo haatan loo qoondeynayo.

Axmed ayaa sheegay in dhammaanba dhulalka ay safaaraduhu ka deggan yihiin aagga garoonka ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ee aysan weligood degganaaneyn.

Sababo dhanka amniga ah dartood, waxaa agagaarka garoonka Aadan Cadde deggan hay’ado badan oo caalami ah.

Waxaa jira walaac laga qabo in ciriiri uu ku imaan karo garoonka, maaddaama safaarado iyo hay’ado badan ay halkaasi deggan yihiin, haddii dhulal cusub laga bixiyana ay taasi ciriiri dheeraad ah keeni doonto.

Faahfaahin badan lagama bixin ballaca dhulka, balse maareeye Axmed ayaa yiri, “Dhulkan maaha mid cusub hore ayaa loo degganaa, waa laga guuri doonaa laakiin hadda wax ciriiri ah ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay dhulkan siisay safaaradda Shiinaha, wareejintana ay sameysay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka, maaddaama ay uu hoos yimaado maamulka garoonka.

Wasiir Fardowsa oo shir jaraa’id qabatay kadib xil wareejinta dhulka, ayaa tiri “Waxaan rabnaa dhul ku dheggan safaaradda Shiinaha eek u dhex taalla garoonka Aadan Cadde oo dowladda Soomaaliya siisay inay ku durugsato xafiisyadeeda inaynu maanta si rasmi ah ugu wareejinno,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in dhulkan oo ay in muddo ah degganeyd safaaradda uu ciriiri ku ahaa, sidaa darteedna ay dooneyso in safaaraddu ku ballaariso howlaheeda.

Xigasho BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA