Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Rabshado ka billowday dalka Chad Xili xisbiyada oo isku eedeeyayaan Rabshadahaas

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – Rasaas xooggan ayaa ka dhacday dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda Chad ee N’djamena, oo ay ku jirto bannaanka xafiisyada xisbi mucaarad ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii lagu dhawaaqay in doorashada la qaban doono bisha May.

Dowladda Chad iyo mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ka dambeeya rabshadaha.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa sheegay in Xisbiga PSF ay weerareen Xarunta Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.

Xisbiga PSF ayaa sheegay in saraakiishooda ay tageen dhismaha si ay u raadiyaan meydka xubin la qabtay kadibna la dilay.

Waxay sheegtay in askartu ay rasaas fureen. Xisbiga PSF waxaa madax ka ah Yaya Dillo oo ah nin aad u dhaleeceeya oo ay ilmo adeer yihiin madaxweyne General Mahamat Deby.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA