Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Imisa Lacagta Lagu amartay Trump inuu bixiyo?

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – NEW YORK — Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay.

Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan.

Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto bangiyada ku yaalla New York, tallaabadan ayaa u sahlaysa inuu raadsado dammaanadda lacageed ee looga baahan yahay.

Garyaqaannada u doodaya Trump ayaa goor hore oo Arbacadii ah u sheegay maxkamadda in Trump uu diyaariyey dammaanad u dhiganta illaa $100 million oo dollar, iyaga oo dooday in amarkii mamnuucidda amaanda ah ee lagu soo rogay bishan February 16-keedii uu dabar ku noqday inay helaan guud ahaan lacagta laga rabo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA