Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas oo Ka Hadashay xasuuqa israa”iil ka Wado Magaalada Gaza

Khamiis-Feb-29-2024-{HMC} Xubin sare oo ka tirsan Xamaas Izzat Al-Risheq ayaa ka digay in Weerarkii lagu laayey falastiiniyiinta gargaarka sugayey ee Gaza ka dhacay ay horseedi karto fashilka wadahadallada socda ee la doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha iyo xabbad joojinta.

“Wadahadallada ma ahan hannaan furan, mana socon karaan iyadoo ay sii socdaan dembiyada xasuuqa ah ee Israel geysaneyso” ayuu ku yiri hadal ay Xamaas ku daabacday Telegram.

“Ma ogolaan doono in dariiqa wada xaajoodka uu noqdo gabaad dambiyada joogtada ah ee cadawga ka dhanka ah dadkeena ku sugan Marinka Gaza,” ayuu yiri Al-Rishiq.

Ugu yaraan 104 qof ayaa lagu dilay 760 kalena waa la dhaawacay Khamiistii dhacdo fowdo ah oo ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo Falastiini ah oo gaajaysan oo isku urursanayay hareeraha baabuurta gargaarka ee cuntada, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Gaza.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israel ayaa u sheegay CNN inay rasaas nool u adeegsadeen dadka ku hareeraysan baabuurta gargaarka, “Dadweynaha ayaa u soo dhawaaday ciidamada hab khatar ku ah ciidamada, kuwaasoo kaga jawaabay rasaas nool, dhacdada dib ayaa loo eegayaa.” ayuu yiri.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA