Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde ku qabtay tahriibayaal iyo muqalasiin Lasocday

Jimco – March – 01-2024-{HMC} – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyinkii toddobaadlaha ah ee dalka ka dhacay oo ay ku jiraan dembiyo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

“30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay afar saac ayaa dadkaas la qabtay iyagoo raacaya diyaaradda Daalo oo u socda Sacuudiga, dhamaantood waxay ku jiraan xabsiga,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Korneyl Qaasin Axmed Rooble.

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo dad loo soo qabtay, waxaana ragga la qabtay ka mid ah koox Shabaab ah oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley.

“Waxaan gacanta ku haynaa Shabakad Khawaarij ah oo dilal geysatay, ragaas oo gaaraya labo nin waxaa la hayaa labo bistooladood oo dil ay ku geysteen iyo mooto ay wateen, waxaana la horgeynayaa cadaaladda,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa shaaciyey ugu yaraan seddax qof oo kale loo soo qabtay dilal ay siyaabo kala duwan uga geysteen degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir, kuwaas oo ku jira gacanta hey’adaha amniga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA