Saturday, April 20, 2024
spot_imgspot_img

Farmaajo oo Mudo Kadib Dalka Dib Ugusoo Laabanaya.

Jimco – March – 01-2024-{HMC} –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidii talada dalka looga guuleystay sanadkii 2022 ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Qatar.

Waxaa ii dhowr jeer ku dhaliilay DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku deg degtay furista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, talaabadaas oo uu ku tilmaamay in tahay mid wax u dhimaysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

Lama oga inay arrimo siyaasadeed la xiriirto iyo in kale dib usoo laabashada Farmaajo ee dalka balse ilo wareedyo ku dhow madaxweynihii hore ayaa xaqiijiyey inuu maanta ka soo degayo gagida diyaaradaha ee Aadan Cade.

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Daadajinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho.

Sabti-20-April-2024 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir oo faah-faahin ka bixiyey Shirka Daadajinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas.

Sabti -20-April-2024 {HMC} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/yRTV7LTMk-w  

WARARKA