Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamullka Somaliland oo Dacwad ka ah Dowladda Soomaaliya

Jimco – March-01-2024-{HMC} – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda aadanaha, iyaga oo ku eedeeyay dilal iyo jir-dil loo geestay dad kasoo jeeda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay maamulka Somaliland ayey sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka ee taageero dowladda Soomaaliya in fiiro gaar ah u yeeshaan dadka kasoo jkeeda Somalilands ay sheegeen in ay dowladda Federeaalka dhibaateeneyso.

”Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Somaliland ayaana ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka dambeeysay dhimashada sargaal katirsanaa hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya iyo xildhibaan hore oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala soo xiriiraan maamulka Somaliland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA