Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Hore Farmaajo oo Ka Hadlay Safarkiisa Muqdisho

Jimco – March-01-2024-{HMC} –  Madaxweynihi hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya saaka soo gaaray caasimadda Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo ku dhow sanad iyo bar

Farmaajo ayaa diiday in loo sameeyo soo dhaweyn iyo in shacabka la abaabulo, dhaqankaasoo uu lahaa markuu Madaxweynaha ahaa, waxaana markuu yimid la geeyay qeybta VIP ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo uu kula kulmay qeyb kamid ah mas’uuliyiinta Dawladda Soomaliya.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay muddo 16 bilood ah ka dib inuu dib ugu soo laabto Muqdisho, wuxuuna xusay inuu u yimid sidii uu uga shaqeyn lahaa xalna loogu heli arrimaha wax ka bedelka dastuurka furan oo la doonayo in wax laga bedelo ama la dhameystiro.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta badan sidii talada dalka looga guuleystay sanadkii 2022 ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Qatar.

Farmaajo ayaa imaanshihiisa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo muddooyinkii Dambe ay dalka ka taagnayd Ismaandhaafka wax ka badelka dastuurka, isagoo ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo diiday sida uu wax wado madaxweyne Xassan Shiikh.

Maalmaha soo socda ayuu khudbad ka jeedin doona Baarlamanka Soomaliya oo ay ka socoto haatan dooda wax ka bedelka dastuurka isago difaaci doona in dastuurka aysan koox gaar ah badali karin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA