Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Safiirka UK iyo Muuse Biixi?

Jimco – March – 01-2024-{HMC} –  Safiirka boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mike Nithavriankis ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in doorashada madaxtinimo inay dhacdo bisha November, iyadoo laga fogaanayo dib u dhac kale.

Wuxuu sheegay safiirka in Muuse Biixi ay ka wada hadleen xoriyadda saxaafadda oo mudooyinkaan danbe Somaliland beegsaneysay suxufiyiinta ayada oo xabsiyada u dhigeysay si ka baxsan qaanuunka dowliga iyo bini’aadannimada.

Wararka ayaa Sheegaya in safiirka UK ee Soomaaliya uu Muuse Biixi kala dooday cawaaqibka ka dhalan karo heshiiskaasi sharci darrada ah.

Ambassador Mike Nithavrianakis ayaa u sheegay Muuse Biixi in heshiiskaasi uu baal marsan yahay qaanuunka caalamiga ah iyo kan gobolka, sidaasi darteedna xadgudub ku yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoona si cad ugu ugu sheegay in dowladda UK aysan taageersaneyn ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa horay mowqifkeeda ku caddeysay qoraal ay kasoo saartay heshiiskaasi sharci darrada ah, iyadoo taageertay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee kowdii Janaayo kala sixiideen Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ayaa Itoobiya u ogolaanayo in Somaliland ka kireysato 20 km oo xeebta gobolka Seylac si ay ugu sameysato saldhig ciidan iyo dekad.

Waxaase heshiiskaasi ka dhashay caro xoogan oo dowladda Soomaaliya ay ku diiday, iyadoo xiriirkii labada dal uu xumaaday, dhalisayna in Somalia ay dadaalkeeda ku bixisay sidii duulaankaasi isaga difaaci laheyd, waxayna heshiisyo difaac iyo iskaashi la soo gashay Turkiga, Masar iyo Eritrea oo isbaheysi gaashaan buursi la sameysatay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA