Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaza: 140 qof oo ku dhintay ka dib markii ay ciidamada Israa’iil rasaas ku fureen goob cunto lagu qaybinayey

Jimco – March – 01-2024-{HMC} Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

“Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay ku sugnayd diyaaradda madaxweyne Biden ee Air Force One, xilli madaxweynuhu u safrayey xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Dhacdadani waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay … in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Qaza”.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi. Goordambe ayaa wararku sheegeen, in ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey inay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira, inay kala degaan gaadiidka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay ciidamadoodu rasaasta fureen, iyaga oo u maleeyey in dadka ku ordaya gaadiidka gargaarku inay halis iyaga ku yihiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA