Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Dalka Turkiga

Jimco – March – 01-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa sidoo kale, wuxuu uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis ciidamada Badda Turkiga ku ilaalinayaan xeebaha Somalia, kuna tababarayaan ciidamada badda DF.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa turkiga ka hor magaalada Nairobi kala qeyb-galay Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayey dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujiyey dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA