Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askari katirsan ciidanka Dowladda oo toogasho ka geestay xero kutaalla Muqdisho

Sabti – March-02-2024-{HMC} Askari katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa galabta toogasho ka geestay xero ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana toogashadan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay askar kale oo ciidanka katirsan.

Sida aan xogta ku helnay askari katirsanaa guutada Khaalid Bin Waliid ayaa gudaha xerada ciidanka ee Nacnaca ee kutaalla Wadajir ku dilay saddex askari oo katirsanaa ciidanka , halka sidoo kale ku dhaawacay askar kale.

Ciidanka xoogga ee ku sugnaa gudaha xerada ayaa la sheegay in ay toogteen askarigii dilka iyo dhaawaca u geestay askarta kale ee xerada ku sugnaa, mana jiro faah faahino saraakiisha ciidanka ka baxsheen toogashadan.

Dhawaan ayey aheyd markii nin katirsanaa AS kana mid noqday ciidanka xoogga dalka xerada Jeneraal Gordon ku dilay saraakiil u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo saraakiil kale oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib, kaddib rasaas xooggan uu ku furay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA