Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta taageerada amniga Soomaaliya

Sabti – March-02-2024-{HMC} Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK James Stephen Heappey ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya, isagoo la kulmay madaxda sare iyo saraakiisha difaaca oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga difaaca gobolka iyo ciidamada.

Wasiiru Dowlaha Difaaca Uk waxa uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu ugu xaqiijiyo sida ay UK uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto amniga mustaqbalka fog.

Sidoo kale waxa uu booqday askar ka tirsan ciidamada Britain oo tababaro siinayay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Dowladda UK ayaa si dhow ula shaqeyneysa dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, waxaana wasiirku uu ku celceliyay taageerada joogtada ah ee UK ay ka geysaneyso wax ka qabashada khatarta Alshabaab.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK oo socdaalkiisa sii wata ayaa kulamo kula soo qaatay dalka Kenya, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca, kor u qaadista awoodda ciidamada Kenya iyo horumarinta nabadda gobolka iyada oo loo marayo heshiiska iskaashiga difaaca ee UK iyo Kenya.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA