Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgal lagu lagu beegsaday saraakiil ka tirsan AS oo ka dhacay degmada CEELDHEER

Sabti – March-02-2024-{HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ee ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan AS oo ku taalla deegaanka Cali Yabaal ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa looga hadlay howlgalkan, waxaana lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay xubno ka tirsan AS

Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lagu laayay weerarkan ay isugu jiraan saraakiil iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen goobaha howlgalka laga sameeyay, isla markaana la burburiyey xarumihii AS.

“Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda AS oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgalo culus oo iska kaashanayaan ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA