Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waqtiga Maxkamadda gobolka Banaadir la hor keenayo Sayid-cali oo ku Edeysan In uu Xaaskiisii Gubay.

Sabti 2,March 2024 {HMC} Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale shaacisay waqtiga markii sadaxaad la horkeenayo Maxkamadda ninka ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo uur laheyd.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Arbacada soo socota oo ay taariiqdu ku beegan tahay 6-da bishaan Febraaayo 2024 in mar kale loo fariisinayo dhageysiga dawacada loo heysto Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay Luul Cabdicasiis oo xaaskiisii aheyd.

Dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay si weyn isha ugu wada hayaan go’aanka Maxkamadda gobolka ay ka gaari doonto maalinta Arbacada ah kiiskaan.

Si kastaba ha ahaate waxaa xusid mudan inan wali la aasin meydka Alle ha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo uu ku jiro Firinjeer, waxaana qoyskeedu ay sheegeen inaan la aasi doonin Luul inta ay ka heleyso Cadaaladda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA