Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa

Sabti 2,March 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.

“Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.

“Nasiib darro marka uu hoggaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrimo dibadda ah, waa dhibaato halis ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda. Taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay kadib heshiis is-afgarad oo Addis Ababa ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya 1-dii Janaayo, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 KM xeebaha gobolka Awdal ah.

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya ayaa Turkiga u saxiixday heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale, waxaana lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay yimaadaan ciidamada Turkiga, si badda Soomaaliya looga difaaco Itoobiya.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Caasho koos ”Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho koos ''Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA