Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay waddo Muhiim ah,

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa maanta dhagax-dhiggay waddada isku-xirta garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Masuuliyiinta shirkadda u xil-saaran dhismaha waddadan maanta la fhagax-dhigay ayaa madaxweynaha Hirshabelle u sheegay in ay diyaar u yihiin dhismaha waddada ayna muddo kooban shaqadasai kusoo gabagabeyn doonaan.

Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib dowladda Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”ayuu yiri Cali Guudlaawe

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay maamulkooda garab istaagaan kana qeyb qaataan dib u dhiska iyo hurumarka deegaannada maamulka ka taliyo.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA