Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah oo digniin u dirtay dayuurada Ethiopian Airlines

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya taasoo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Jabhada ayaa ku eedeysay shirkadda iney ciidanka Ethiopia u isticmaalayaan duubulidda ciidamada.

FANO oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay inay heystaan gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxayna xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawada gudaha dalkaas sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn laga sameeyey iyadoo laga weeciyey degaanada amxaarada.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy ahmed..

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA