Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Markab ay weerareen kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ku dagay Badda cas

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Markabka Rubymar ee laga leeyahay UK oo ay Xuutiyiintu weerareen bishii hore, ayaa ku degay badda cas, dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sidaas sheegtay, iyadoo ka digtay “masiibo deegaan” oo ka imanaysa shixnadda bacriminta ee markabka dagay saarneyd.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markabkii ugu horreeyay ee dagay tan iyo markii Xuutiyiinta ay bilaabeen beegsiga maraakiibta ganacsiga bishii Nofembar, taasoo ku khasbaysa shirkadaha maraakiibta inay u weeciyaan maraakiibta marinka dheer ee qaaliga ah ee Koonfurta Afrika.

Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ee maamula waqooyiga Yemen iyo xarumo kale oo waaweyn ayaa sheegay inay garan taagan yihiin dhaqmaan falastiiniyiinta Gaza.

Weeraradooda ayaa sababay weeraro isdaba joog ah oo ka dhan ah goobahooda ay fuliyeen Mareykanka iyo Britain si ay maraakiib ugu diraan gobolka si ay isugu dayaan in ay ilaaliyaan marin ganacsi oo muhiim ah.

Wasaaradda difaaca Talyaaniga ayaa Sabtidii sheegtay in mid ka mid ah maraakiibtooda badda uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo duuleysay badda cas.

Wasaaradda Gaadiidka Xuutiyiinta, ayaa dhanka kale sheegtay in “cilad” ay ku timid xarkaha isgaarsiineed ee badda cas hoosteeda, taasoo ka dhalatay ficillo ay qaadeen maraakiibta Mareykanka iyo Britain. Ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Isniintii, koox ka tirsan dowladda Yemen ayaa booqday markabka Rubymar, oo ah markab xamuul ah oo ka babanaayay calanka Belize, waxayna sheegeen in qeyb ahaan uu quusay. War kasoo baxay dowladda Sabtidii ayaa lagu sheegay in markabka uu ku dagtay koonfurta badda cas habeenkii Jimcaha.

Milateriga Maraykanka ayaa horey u sheegay in weerarku uu si weyn u waxyeeleeyey markabka xamuulka ahaa oo siday in ka badan 41,000 metric ton oo bacrimin ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA