Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shir Muhiim ah oo u furmay Dowladda Somalia & Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehiyo Wasiirka Wasaaardda Qorsheynta Qaranka iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo Sadex bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsan eel aga wadahadlayo ayaa ah sare uqadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-Wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan horumarinta ilaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka. gabagabada shirka ayaa la filayaa in la soo saaro War-murtiyeed ka hadlaya horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya Sadexdii bilood ee la soo dhaafay kadib gaaristii barta kama dambeysta deyn cafinta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA