Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada Amniga lagu sugayo Muqdisho

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay nabadgalyada Magaalada Muqdisho, diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan si xoogga loo saaro xasiloonida caasimadda & deegaannada duleedkeeda dhaca.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin adkaynta amniga Magaalada Muqdisho maadaama ay nagu soo wajahan tahay Bisha Barakacaysan ee Ramadaan oo curanashadeeda ku beegan Bartamaha todobaadka damba.

Howlgal ka dhacay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Afhayeenka Booliiska in ciidamada ammaanka ay beegsadeen xubno katirsan ‘AS’ oo qaarkood gacanta lagu dhigay waa sida uu hadalka u dhigay.

Wadashaqaynta Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shacabka Magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay in ay udub-dhexaad u tahay adkaynta Amniga sidaas awgeed waxa uu soo jeediyay in la kordhiyo wadashaqayntooda.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis, Nabadsugid & Booliiska sida Militariga u tababaran ee Booliis-Militaare ayaa howlgallo kawada Xaafadaha iyo waddooyinka Muqdisho iyaga oo baaraya Gaadiidka & Dadka la socda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA