Sunday, June 23, 2024
spot_imgspot_img

Horjoogayaal iyo xubno kale oo ka trisan kooxda AS oo lagu dilay degaano ka tirsan JUBALAND

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii saddexaad oo xiriir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah:- Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo kuwa kale, iyada oo lagu dilay AS fara badan.

Xubnaha la laayey ayaa isugu jiro horjoogaal Soomaali ahaa, kuwa ajaaniib ah iyo maleeshiyaad kale, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 35 xubnood oo isugu jiro saraakiil sar sare iyo dagaalamayaal, kuwaas oo loogu daatay godadkii ay ku jireen.

“Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaas, waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka”

Dhinaca kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalkan kusoo qabtay illaa 7 kale oo ka tirsan kooxda AS, kuwaas oo ay bandhigeen ciidamada huwanta ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AS oo ku aadan howlgalladaasu khasaaraha culus lagu gaarsiiyay.

Jubbooyinka ayaa maalmihii u dmabeeyay waxaa ka socday guluf ay iska kaashanayaan dowladda iyo Jubbaland, si AS looga xoreeyo gobolladaas oo ay ku xoogan yihiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23 06 2024

Axad june,23 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Hhabeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: cabdiqani cosoble Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024

Axad june,23 2024 {HMC}  Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA