Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo booqday deegaanno laga Saray As

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo hogaaminaya wafdi wasiiro ah oo ay kamid yihiin Wasaaraddaha, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Haweenka ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al Shabaab .

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa tagay deegaanada Muuse-xaaji, Mallaaylley, Turdho, Baxar-saafka iyo Baarsanguuni oo maalmahii lasoo dhaafay ay howlgalo ka wadeen Ciidamada Jubaland iyo xooga dalka.

Wafdigan uu Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo ayaa warbixin la xiriirta howlgalka iyo ilaa hada guulaha laga gaaray ka dhagaystay Sarakiisha hay’adaha amniga ee howlgalka ku jira.

Waxaa Madaxweynahu uu ku bogaadiyay Ciidamada geesiyada ah ee jabka xooga leh gaarsiiyay argagixisada maalmahii lasoo dhaafay shaqada adag ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan isagoo ku booriyay İnay sii laba jibaaran shaqada adag ee ay ugu jiraan hormarinta amniga Jubaland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA