Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo ku hungowday inay wada hadal siiso madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya

Isniin March 4, 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku howlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca badda ah oo ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Willian Ruto oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Axmed, ayaa waxaa ka biyo diiday madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan wax wada hadal ah la galayn Abiy Axmed ilaa ay Itoobiya meesha ka saarto heshiiskii Is-afgaradka.

Abiy Axmed ayaa ku adkaystay, in heshiiskaas uu ahaa heshiis arrimo ganacsi, ee aanu ahayn in dhul Soomaaliyeed ay darsatay Itoobiya.

Kenya ayaa ku qancisay Addis iyo Muqdisho in ay hoos u dhigaan hadalladooda fagaare ee midba midka kale uu kagasoo horjeedo.

Sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed, Habeenimadii Khamiista markii ay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhoofeen Nayroobi, waxa la isla gartay in aanay mar dambe ka hadlin meel fagaare ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA