Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Fiqi oo ka hadlay wixii ay ku ballamen muuse biixi kahor inta aanu saxiixin heshiiska badda

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ilaa hadda ay la yaaban yihiin ‘waxa qaaday Muuse Biixi’ oo badda Soomaaliya u saxiixay Itoobiya, saacado kadib markii ay kula soo heshiiyeen Jabuuti.

Wasiir Fiqi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey wafdigii 28-kii December 2023 heshiiska la soo galay Somaliland ayaa wixii dhacay ku macneeyey oraahdii “Dibiga naasa adag iyo weedha maxaa kulmiyey.”

Wuxuu sheegay in wax dareen ah aysan qabin garabkii ka socday dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay aad ugu faraxsanaayeen heshiiskii bilowga ahaa ee Somaliland ay Jabuuti kula soo saxiixdeen.

Hase-yeeshee wuxuu sheegay in saacado kadib uu Muuse Biixi jaho wareer ilaa hadda socda geliyey gobolka Geeska Afrika, kadib markii uu badda Soomaaliya u saxiixay Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa wax aan caadi aheyn ku macneeyey sida umadda Soomaaliyeed ay uga gilgisheen damaca Itoobiya, isagoo sheegay in aan loo kala harin difaaca badda Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi oo maanta ka qeyb galay shirka Heritage oo Muqdisho ka furmay ayaa aad ugu mahad celiyey Soomaalidii ka dhiidhisay damaca Itoobiya oo ay ugu horeeyaan reer Jigjiga oo maalin uu Addis Ababa ka dhacay heshiiskaas, maalinkii xigay Muuse Biixi ku soo dhaweeyey heesihii Soomaalida ee dagaalkii 1977-kii.

Sidoo kale Fiqi ayaa aad u amaanay doorkii difaac ee Soomaalida Kenya ay qaateen, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Xildhibaan Yuusuf Xasan, wasiir Aadan Barre, Taliyaha nabad sugidda Kenya, iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood Soomaali ah.

Gabagabadii hadalkiisa wasiir ayaa Jabuuti ku amaanay doorka ay ka cayaareyso dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee wasiirka uu ka yahay ay dejisay qorshe dib u heshiisiin oo ad u baaxad weyn, si loo gaaro xal nabadeed oo Soomaalidu u dhan tahay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA