Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgal culus oo maanta Kadhacay Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in howl-gal culus oo lagu fashilayay qorshe ay damacsaneyd AS laga fuliyay duleedka degmada Waajib.

Ciidamada Qaranka ayaa maanta dagaal-yahaano AS ah ku weeraray goob ay isku uruursanayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay kasoo maleegayeen weeraro lagu beegsanayo ciidamada huwanta.

Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno howl-galkaas ayaa xaqiijinaya in AS jab culus lagu gaarsiiyey halkaasi, ayada oo lasoo warinayo in meydad tiro badan ay ka carareen dagaal-yahaanadii halkaasi nolol uga baxsaday.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada fuliyey howl-galka ayaa dhankooda xaqiijiyey inay AS ka xoreeyeen goobihii ay isku uruursanayeen ee lagu weeraray.

Bur-burinta Shabaab-kii isku aruursaneyay Waajib ayaa imanaya xilli ay shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howl-gal culus ka fuliyeen deegaano dhaca jiinka wabiga, oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Howl-galkaasi ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa AS oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay bayaan shalay kasoo baxay dowladda.

“Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 AS ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale waxaa howl-gallo kale oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni lagu soo qabtay illaa 10 xubnood oo ka tirsan AS oo iyagana dhibaato ka waday gudaha deegaankaasi.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howl-galladii ka dhanka ahaa AS taasi oo meesha ka saareysa gaabiskii bilihii dambe ku yimid howl-galka kooxda, oo wejiga koowaad ee dagaalka looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA