Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Imaaraatka oo Isbitaal ku booqday Saraakiil ku dhaawacmay Weerarkii Xerada Jeneraal gordon

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaayed Al Nahyaan ayaa Isbitaalka Militariga ee Zaayed ku booqday kabtan Maxamed Saalim Al-Nucaymi oo dhaawac kasoo gaaray toogasho ka dhacday Xerada Janaraal Gordan ee Magaalada Muqdisho 10kii Febaraayo 2024.

Sheekh Maxamed ayaa xaaladda Caafimaad ee Kabtanka ka warraystay dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskiisa oo u sheegay in uu kasoo caafimaadayo sidii hore, waxa uu u rajeeyay in uu kasoo kabasho fiican helo maadaama howlaha qaranka isaga oo ku jira uu dhaawaca soo gaaray sida uu yiri.

Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zaayed Al Nahyaan ayaa kabtan Maxamed Saalim ku tilmaamay halyeey kamid ah saraakiisha dalkaas ee howlaha caawinaadda ah kawada Dalalka saaxiibada la ah Dalkiisa isaga oo u sheegay Dowladdiisa ay ku garab taagan tahay dib usoo kabashadiisa.

Al-Nucaymi waxa uu kamid ahaa Saraakiil u kala dhalatay Isutagga Imaaraatka Carabta & Baxrayn oo si gaar ah ula shaqaynayay ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka oo saldhiggoodu yahay Xerada Janaraal Gordan ee Magaalada Muqdisho balse waxaa kiiskooda ku socda baaris ilaa haatan aanay natiijo laga gudbin.

Weerarkii ka dhacay Xerada Janaraal Gordan waxaa ka falceliyay madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dalalka Saaxiibada la ah Isutagga Imaaraatka Carabta iyo dhinacyo kala duwan, waxaa weli la sugayaa natiijada guddiga sida gaarka ah loogu xilsaaray uu warbixin kasoo gudbiyo waxyaabaha ku xeeran weerarkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA