Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

Midowga Afrika oo ka hadlay Duqayn lagu laayayay Dad Falastiiniyiin ah

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay dilka ballaaran ee loo geystay dadka Falastiiniyiinta ah ee safka ugu jiray gargaar bini’aadantinimo.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mousa Faki Mahamat wuxuu si adag u camaaraynayaa weerarka ciidamada Israa’iil ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 falastiiniyiin ah oo raadinayey gargaar naf badbaadin ah woqooyiga Qasa eee la haysto kaas oo dhacay Khamiistii 29 Febraayo 2024” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddigu.

Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in baadhitaan degdeg ah la sameeyo si loola xisaabtamo cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilka dadka rayidka ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA