Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo Maanta Si Rasmi Ah uga Mid Noqotay Bulshada Bariga Afrika.

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Soomaaliya ayaa ku dhowaad afar billood kadib waxay maanta si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Ku biirista rasmiga ah ee EAC, ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahnaa, waxaana maanta lagu shaaciyay dalka Tanzania.

Arrintaan ayaa waxaa lagu shaaciyey munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Arusha ee casimadda dalka Tanzania.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Wasiirka Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno kale oo dowladda matalaya ayaa ku sugan Arusha oo lagu shaaciyey guushaan taariikhiga ah.

Soomaaliya ayaa 24-kii November ee 2023-kii kamid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.Si kastaba,

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markaas dadaal badan ku bixineysay sidii ay usoo dhameystiri laheyd shuruudaha ku xiran buuxinta xubinimada EAC, oo ugu dambeyntiina ay maanta soo dhameystirtay.U

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka

Axad 5, May 2024 {HMC}  Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DJ91FQbnLiw

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-5-2024

Axad-05-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf...

WARARKA