Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa kuma shaqsiga lagu badalaayo Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul easaaraha oo is-casilay

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in isku shaandheyn iyo isbadalo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilalka Golaha Wasiirada iyo agaasimayaasha, waxaana sidoo kale laga yaaba iney is-casili doonaan saacadaha soo socda xubno kale.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa inaanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xilkan Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha loo wado Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka mid ah la-taliyayaasha tirada badan ee Ra’iisal Wasaaraha.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA