Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay Eedeysane dil geestay deganada puntland

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Ciidamada booliiska qeybta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in saakay qof shacab ah ku dilay deegaanka Daarusalaam ee katirsan gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in ciidamada ammaanka soo qabteen eedeysane Cali Khaliif Xirsi oo saakay dilay nin lagu magacaabayay Maxamed Arbaco.

Guddoomiye Feysal ayaa uga mahadceliyay ciidamada ammaanka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay soo qabashada ninka eedeysanaha ee dilka geestay, kaa oo hadda xabsiga ku jira kuna socdaan baaritaanno.

Laamaha ammaanka ee gacanta ku haya ninka dilka geestay ayaa sheegay in si dhaqso ah u horgeyn doonaan caddaaladda si loo marsiiyo ninkan ciqaabta dilka uu maanta u geestay nin la sheegay in ay isku dhaceen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA