Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabelle oo Shir Gudoomiyey Kulanka Golaha wasiirada.

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} oo shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Ugu horreyn waxaa la dhaariyay xubnaha cusub ee ka mid noqonayo Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, xubnaha la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

1. Saciid Hagar Camalloow Wasiirka Wasaarrada Waxbarrashada iyo Tacliinta sare.
2. ⁠Cabdifataax Xasan Faarax Wasiirka Wasaarrada Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
3. ⁠Sakariye Khaalid Cabdi Wasiirka Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshaddaha.

Wasaarradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada Xannaanada iyo Xoollaha.

Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada inaan fasax la geli karin bisha Ramadaan taas beddelkeeda in si adag loogu khidmeeyo shacabka Hirshabeelle.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA