Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqa Muqdisho oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta doodda dastuurka KMG Ah ee Soomaaliya

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta furay kulan ku saabsan soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan magacaabay guddoomiyaha gobolka

Guddigaan ayaa waxay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta xulashada uguwanaagsan ee ku haboon magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka gobolka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada guddigaan qeyb ka tahay in bulshada gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyo, si talooyinkooda ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal, si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dood xoogan ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA