Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xilkii Kaqaaday Gudoomiyihii ugu Waqtiga Hirshabelle.

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan.

Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe hayay tan iyo sanadkii 2016 oo xilligaas uu Cali Guudlaawe ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Wareegta haatan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa magaalada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sababta xilka looga qaaday ninkan ayaa waxaa lagu sheegay dardartgelinta howlaha maamulka gobolka iyo talo soo jeedin ka timid wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle

Sidoo kale waxaa xilkan loo magacaabay aqoonyahan Maxamuud Maxamed Nuur, sida lagu caddeeyay isla wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle.

“Waxaa Mudane Maxamuud Maxamed Nuur loo magacaabay xilka “guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowladda HirShabelle, Mahadsanidiin”.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallo kala duwan oo uu haatan wado madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo ku aadan maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha oo xalay wareegto kale soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA