Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo xakamaynaya shirkadaha u ololeeya Shiinaha

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Shirkadaha ka dhex ololeeya dawladda Maraykanka ayaa bilaabay inay iska diidaan macaamiisha u dhashay dalka Shiinaha, xilli sharci-dejiyayaasha Maraykanku ay ku hawlan yihiin inay soo saaraan shuruuc lagu adkaynayo adeegyada loo qabto macaamiisha ka soo jeeda Shiinaha, xilli ay soo badanayaan walaaca laga qabo saamaynta Shiinaha.

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka ayaa sheegay inay dabada ka riixayaan, sharci waajibinaya in kor loo qaado daahfurnaanta, shakhsiyaadka u ololeeya Shirkadaha Shiinaha. Sharci-dejiyayaasha ayaa doonaya inay ka hor-istaagaan xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha iyo Ciidamada Shiinuhu inay goldaloolooyinka sharci, si sir ah ugu adeegsadaan inay ku gaadhaan danohooda, kuwaas oo dhaawici kara danaha shacabka Maraykanka.

Senator John Cornyn ayaa toddobaadkii hore u sheegay in sharci-dejiyayaasha Maraykanku ay haatan sharcigaas qabyada ah marinayaan meel gebogebo ah.

Sannadkii hore waxaa aqalka sare ee Senateka Maraykanku uu meelmariyey sharci waajibinaya in la soo bandhigo saamaynta dalalka ajnebiga ah ee adeegsanaya adeegyada ku xusan sharciga “ololaynta” ee Maraykanka

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA