Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Calanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Africa oo Laga Taagayo Muqdisho

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa wadanka Tanzania, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiirka ayaa magaalada Muqdisho ka soo dejiyey calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana halkaas ku qaabilay Wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.

Wasiir Jibril, ayaa sidoo kale 4tii bishan Maarj, 2024 wuxu, calanka Soomaaliyeed iyo Dukmentiyadii ansaxinta heshiiska ku biirista Ururkaas geeyey xarunta Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo ku taala magaalada Arusha ee wadanka Tanzania halkaas oo munaasibad weyn oo lagu qabtay laga ga dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana calanka Soomaaliyeed laga taagay afaafka hore ee xarunta ururka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Afrika ku wareejin doona Madaxweynaha dalka Dr. Hassan Sheikh Mohamoud iyada oo marka ugu horreysa si heer qaran ah loogga taagi doono Madaxtooyada Villa Somalia intaa ka dib na laga taagi doono guud ahaan xarumaha hay’adaha dawladda ee wadanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA