Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF Soomaaliya oo sheegtay in $7 milyan iyo akoono badan ka xayirtay AS

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Fedderaalka Soomaaliya oo aanay hay’ad gaar ahna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay inay dowladda ku guuleysatay xayiraadda lacag gaaraysa 7 million dollar, 670 taleefan lambaro iyo 110 akoon oo ay lahaayeen AS.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo la dhaqan gelinayo Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, ay tallaabadan qaaday dowladda federaalka, iyadoo 110-ka akoon ee la xiray ay yihiin kuwa Ganacsi (Merchant Accounts) oo AS u adeegsan jirtay handadaadda, uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Qoraalka waxaa loogu digay ganacsatada iyo bulshada inaysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha baadda ah oo kooxda ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan umadda Soomaaliyeed.

Qoraalka laguma shaacin hay’adaha maaliyadeed, oo ay akoonadan uga furnaayeen kooxda AS iyo haddii ay jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda ka qaadeyso hay’adahaas.

Inkasta oo tallaabadan ay muhiim u tahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah AS, haddana lacagtan ayaa ah wax aad u yar marka la eego dakhliga kooxda soo gala sanadkii oo sirdoonka Mareykanka ay ku qiyaasaan illaa 180 milyan oo dollar.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA