Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgalo looga saarayo kooxda AS oo Maalintii shanaad ka socdo deeganada JUBALAND

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Maalinkii shanaad ayuu howlgal ka dhan AS ka socdaa deegaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose.

Ciidamada Jubbaland oo ay hogaaminayaan Saraakiil da’yar ayaa horkacaya howlgalka dhanka Kooxda AS ee ka socda dhanka wadada laamiga ah waxay ciidamadu ku sugan yihiin ilaa Buundada Araare ee ahayd marinka looga gudbo wabiga Jubba marka loo socdo Degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose balse hadda go’an.

“Geesiyadu waxa ay wadaan xaqiijinta amniga deegaanada laga raacdeeyay argagixsada wadooyinka ayaa laga baarayaa isamarkaana laga bixinayaa miinooyin ay sidii qodxihii oo kale ugu talaaleen waxaana dib u habayn lagu sameeyanayaa oo qaarkoodba la hagaajiyay boondooyinkii muhiimka aha ee ay jareen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada

Sidaas si la mida gaddiga kale ee Webiga Jubba gaar ahaana degaannada ku hareeraysan degmada Jamaame waxaa ka howlgalaya Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdonka Jubbaland iyo kuwa Kumaandoska Danab ee Ciidanka XDS kuwaasoo howlgalo ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay todoba ka mid ah AS oo lagu qabtay tuulada Soomarey oo hoos tagta degmada Jamaame

Soo qabashada xubnahan ayaa timid kadib markii howgal qorsheysan oo ay Ciidamada nabadsugida Jubaland gaar ahaan Gurmad Qaran iyo Kumaandooska Danab XDS oo iskaashanaya ay ugu daateen godod ay AS gabaad ka dhiganayaan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa toogtay afar kamid ah kooxda AS oo midi Ajnabi yahay kuwaaoo isku dayayey in ay baxsadaan, hub kale duwan ayaana gacanta lagu soo dhigay.

Tirada guud ee dhimashada afartii bari ee ay howgaladu socdeen waxa ay kor u dhaafayaan 35, dadka la khaarajiyey waxaa kujiro nin magaciisa la yiraahdo Jaabir dhalashadiisa tahay Kenya, horjoogihii Sirdoonka Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA