Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa laga filan karaa go’aanka maanta laga gaari doono kiiska ninkii gubay xaaskiisa LUUL?

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacada maanta go’aan ka soo saari doonta mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee garsoorka Soomaaliya soo mara, waana xukunka Sayid-cali Macalin Daa’uud oo gubay xaaskiisii.

Maxkamadda ayaa horay u mudeysay inay Arbacada soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskaas, xilli meydkii gabadha uu qaboojiye ku jiro muddo bil ka badan.

Labo ayuu mid noqon doonaa xukunka berri ka soo bixi kara maxkamadda, ‘in dil toogasho ah lagu xukumo Sayid-cali’ oo ka dhigan qisaasta gabadhii uu gubay iyo in xabsi lagu xukumo, laguna amro inuu bixiyo diyadii gabadha.

Waxaa xusid mudan, in labada dhinacba uu xukunka manta soo bixi doona kadib u furan yahay racfaan, taas oo ka dhigan hadii labada qoys uu midkood racfaan qaato in kiiska loo gudbi doono maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Arrinta ugu daran waa qaneecada reerka ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis, maadaama ay cidaas weli qaboojiyaha ugu jirto gabadhii oo meydka in ka badan bil.

Reerka gabadha ayaa ku adkeysanaya in meydka aan la duugi doonin ilaa ay cadaalad ka helaan, taas oo ka dhigan in hadii xukunka berri soo baxaya ay ku qanci waayaan uu meydku ku sii jiri doono qaboojiyaha.

Dhawaan, waxaa cabasho soo saaray odayaasha dhaqanka beesha uu ka dhashay eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud, iyagoo sheegay in qoyska gabadha ay kula heshiiyeen in meydka la aaso, kadib markii ay bixiyeen xaal, xumeyn iyo duugtii gabadha, balse looga baxay balantaas oo meydkii aan weli la aasin.

Kiiskaan waa kii ugu adkaa oo inta la xusuusto soo maray garsoorka Soomaaliya, waa nin xaaskiisa gubay, geeri meesha ka dhacday iyo marqaati la’aan jirta, dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku wadahaya kiiskaan, qof kastana wuxuu sugayaa go’aanka maanta ka soo bixi doona maxkamadda gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA