Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay sababta uu Ra’iisulwasaaraha Haiti uga dagay jasiiradda Puerto Rico?

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Ra’isulwasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa xalay ka dagay jasiiradda Mareykanka hoos timaaddo ee Puerto Rico, xilli ay dadka dalkiisa ay is weydiinayaan sababta uu dalka ugu soo laaba la’yahay kaddib marki ay kooxaha burcadda ah ee hubeysan ee waddanka intiisa badan xukuma ay qarka u saaranyihiin in ay ridaan dowladda.

Xafiiska guddoomiyaha Puerto Rico ayaa xaqiijiyay, in Henry uu soo gaaray magaalada caasimadda ah ee San Juan. Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramay in jasiiradda Dominican Republic oo deris la ah Haiti, sidoo kalana ay isla wadaagaan jasiiradda Hispaniola ayaa ku gacan-seyrtay in uu dalkooda kusoo dago.

Ariel Henry, oo talada dalka la wareegay kaddib marki shirqool lagu dilay madaxweynihi hore Jovenel Moïse, ayaanan haba yaraatee hadlin, tan iyo marki ay kooxaha gangiska ah ee hubeysan ay la wareegeen xabsiyada ugu weyn dalka isla markaana ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah.

Henry ayaa isu soo maray Koofurta America iyo Africa. Lamana oga hadda inuu sii joogi doono Puerto Rico iyo inuu gali doono Haito.

Hase yeeshee, Jimmy Chérizier oo ah hogaamiyaha burcadda midowday ee rabta in ay dowladda talada ka tuurto, horayna u soo noqday sarkaal ka tirsan booliska, ayaa mar kale Talaadadi shalay ku celiyay in aysan u ogolaa doonin Henry inuu galo Haiti isla markaana ay doonayaan inuu is casilo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA