Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC}  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daauud oo gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis Maxamed isla markaana kiiskiisa labo jeer ay dhagaysatay Maxkamaddu.

Go’aanka Maxkamadda oo ahaa mid ay sugayeen labada ehel, Xeer ilaalinta, Qareennada difaacayay & Bulshada qaybaheeda kala duwan ayay Maxkamaddu dhowaan muddaysay in maanta oo ah Arbaco 6da Maarso 2024 ay ku dhawaaqayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud oo xukunka Dilka ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in Sayid Cali uu gubay qolkii ay joogtay Marxuumad Luul Cabdicasiis iyada oo dhaawacaas ku geeriyootay.

Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalatay Marxuumad Luul ayaa Warbaahinta u sheegay in Xukunkaan uu ahaa midka ay sugayeen isaga oo tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay caddaalad heshay Marxuumadda.

Sayid Cali Macallin Daauud ayaa haysta Racfaan haddii uusan ku qancin xukunka ay ku ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir sida uu u fasaxayo Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA